Dil goordhaw ka dhacay Muqdisho

Nin ka mid ah ilaalada gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Dil goordhaw ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa goordhaw agagaarka dekada Muqdisho dil loogu geystay mid ka mid ah ilaalada Cumar Finish.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay, Xuseen Abuukar Nuur, waxana uu ahaa ilaalada uu aadka ugu kalsoon yahay duqa Muqdisho.

Dilkan ayaa waxaa fuliyey askari ka tirsan ciidamada dowlada, lamana ogga sababta rasmiga ee ka danbeysa.

Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxeyna iminka raadinayaan askarigii dilka geystay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.