Dil ka dhacay Isgoyska KM-4 ee Muqdisho

Goobjooge ayaa sheegay in Askariga uu goobta isaga baxsaday, kadib markii uu dilay qofka shacabka oo meydkiisa goobta ay ka qaadeen dad shacab ah oo meesha marayay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari la sheegay inuu katirsan yahay Ciidanka Asluubta dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw qof shacab ahaa ku dilay Isgoyska KM-4 ee magaaladda Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogiyaasha.

Ninka la dilay ayaa lagu soo waramayaa in uu kamid yahay shaqaalaha Maqaayadda Saytuuni, oo ku taalla wadadka Makka Al-Mukarama, waxaana la ogeyn sababta loo dilay. Askariga ayaa dilka kadib goobta isaga baxsaday, waxaana Boolisku sheegeen inay ku raadjoogaan.

Fahfaahin, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.