Shaqaale degmo oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa waxay toogteen mid kamida shaqaalaha saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir.

Warar Keydmedia Online
Shaqaale degmo oo lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Nin lagu magacaabi jiray Cumar idiris ayaa goor dhaw lagu dilay Masaajid ku yaala agagaarka saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir.

Qofka la dilay ayaa ahaa OB qoraha saldhigga degmada Yaaqshiid, waxaana la toogtay xilli salaaddii khudbada lasii galayay isagoo masjidka kusii socda ayey koox hubeysan oo biskooladley ah ay rasaas huwiyeen marxuumka, waxa uuna ku geeriyooday goobta, isagoo meydkiisa laga qaaday halkaa.

Kooxdii falkan geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, ciidamada dowladda oo soo gaaray goobtana cidna uma xirin falka, waa falkii saddexaad ee toddobaadkaan gudihiisa lagu toogto mid kamida mas'uuliyiinta degmooyinka gobolka Benaadir.

Dhawaan ayaa degmada Dayniile lagu dilay guddoomiyihii waaxda Kurdamac ee Dayniile, sidoo kalena waxaa dukaankeeda lagu dhex toogtay mid kamida guddiga maxkamadda degmada Kaaraan. Falalka amni xumo ee lagu bartilmaameedsanayo dadka ushaqeeya dowladda ayaa soo badanaya, waxaana lagu guda jiraa xilli doorasho iyadoo la filayo in dhawaan ay billaabato doorashadii kuraasta Baarlamanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.