Dilal Xalay ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Waxaa Xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ka dhacay Dilal Siyaabo kala duwan ey geesteen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Raaskambooni.
Warar Keydmedia Online

Waxaa Xalay Xaafadda Fii-Afmadow ay Ciidamada Raaskamabooni ku toogteen nin la sheegay in uu ka shaqeynayay Baabuurta dhuxusha qaadda ee gudaha Magaaladaasi. 

Ciidamada ayaa la tilmaamay in Ninkaasi ay in muddo ah haysteen, islamarkaana ay waydiinayeen su’aalo hase ahaatee markii dambe ay toogteen.

Dhinaca kale, Sida Wararku sheegayaan waxaa Xaafadda Calan-Caley Xalay lagu toogtay Haween kadib markii Kufsi loo geestay.

Kadib markii Ciidamada Dowladda Haweenayda ay ku wargaliyeen inay istaagto, hase ahaatee ay maqli waysay, maadaama ay aheyd qof dhagaha la’a, ayee Ciidamada ka shakiyeen kadibnah ku toogteen Goobtaasi.

Dilalka ka socda Kismaayo ayaa Maalmahaan soo badanaya.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.