Dilal Xalay ka dhacay Magaalada Bosaaso & Ciidanka Faroole oo Dhac geestay

BOSAASO (Keydmedia) - Wararka laga helayo magaalada Bosaaso ayaa sheegay in xalay magaaladaasi ay ka dhaceen Dilal kala duwan oo loo geestay Shaqaale Dowladda hoose midka kale uu ahaa Shacab ah.
Warar Keydmedia Online

Dadka ku nool magaalada ayaa ku waramaya in Kooxo ku hubaysanaa Bastoolado ay Xalay ku toogteen Goob ay dadka ku Shaahaan oo ku taalla Bartamaha magaalada Bosaaso ee Xaruunta Gobolka Barri.

Labada Nin ee la dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay  Cali iyo Mitir waxaana ay ku geeriyoodeeen Isbitaalka weyn ee Boosaaso, halkaasi markii hore dhaawac ahaan loogeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Dilka marka uu dhacay kadib ay Goobta ay soo gaareen Ciidamada Amniga Boosaaso ee maamulka Puntland, waxaana ay weli illaa saakay ay Baaritaano ka wadaan Xaafadda uu dilka ka dhacay,iyadoo Kooxahii fuliyay Dilalkaasi ay meesha ka baxsadeen isla xalay.

Ciidamada ka amar qaata Faroole ayaa waxaa la sheegay in ay Dhac iyo Boob u geesteen dhowr Meherado Ganacsi oo ay leeyihiin dad Asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Maamulka Faroole ayaa u maaro la’a Muddooyinkii danbe Falal Amni darro oo kusoo badanaya magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Puntland.

Keydmedia.net - Xafiiska, Galkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.