Dilalka Ganacsatada Soomaalida South Africa oo sii kordhaya

Ma jirto cid wax ka qabanaysa dowladda Soomaaliya ama mida South Africa, waxayna u egtahay arintan mid raali laga yahay oo lagu ciribtirayo Soomaalida.

Warar Keydmedia Online
Dilalka Ganacsatada Soomaalida South Africa oo sii kordhaya

SOUTH AFRICA - Dalka Koonfur Africa [South Africa] wuxuu noqday kawaanka lagu bireeyo Soomaalida, oo ay beegsi ku hayaan burcad u dhashay dalkaas oo sharciga ka baqaynin.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Shaafici C/llaahi Saneey ayaa xalay lagu dilay goobtiisa ganacsi oo ku taalla xaafadda Tempisa oo ka tirsan gobolka Limpopo.

Ragii dilkan geystay ayaa goobta isaga baxsadey, iyagoo boobey ganacsiga marxuumka ay dileen, oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan dalka tagey, si uu horumar u gaaro.

Ma jirto cid wax ka qabanaysa dowladda Soomaaliya ama mida South Africa, waxayna u egtahay arintan mid raali laga yahay oo lagu ciribtirayo Soomaalida.

Dilka Shaafici wuxuu noqonayaa midkii 4aad todobaad gudihiisa, iyadoo sanadkan kaliya la dilay in k abadan 30 Soomaali ah, oo dhamaantooda goobahooda ganacsiga lagu weeraray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.