Dilalka ay la kulmayaan Soomaalida koonfur Afrika oo sii kordhaya

BRITORIA(KEYDMEDIA) Waxaa isa soo taraya marba marka ka danbeysa dhibaatooyinka ay la kulmayaan dadka Soomaalida ah ee ku nool wadanka Koonfur AFrika,
Warar Keydmedia Online

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi lagu dilay ilaa 5 qof oo dilkooda loo adeegsaday Tooreey waxaana arintan walaac ka muujiyay dhalinyarada Soomaalida ah ee halkaasi ku nool.

Suxufi madax banana oo lagu magacaabo  C/risaaq siiriya ayaa ku waramaya in dhibaatooyinka jira ay yihiin kuwa walaac badan galinaya dhalinyarada ku nool dalkaasi, waxaana uu xusay suxufiga in cabsida la qabo iminka ay sii kordheyso.

Tan iyo markii Soomaalida ay bilaabeen in ay u socdaalaan k.afrika waxaa aad u kordhayay dhibaatada ay la kulmayaan iyadoona aanay aheyn markii ugu horeysay ee dhacdo ceynkan oo kale ah ay dhacdo.

WWW.KEYDMEDIA.NET 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.