KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wuxuu ahaa nin Gedo xasiliyay, oo aan Al-Shabaab uga baqi jirtay, waxaana lagu amaaney doorkii uu ka qaatey Nabadda intii uu ifka joogay, oo shaqada NISA hayay.
KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay baaritaan ku sameyso dilkii todobaadkii hore loo geystay Taliyihii ugu sareeyay Nabadsugida Gobolka Gedo C/raxmaan C/llaahi (Bakaal Kooke).
Taliyiha ayaa lagu dilay qarax miino, xilli uu ku socdaalayay inta u dhaxeysa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Amniga Jubbaland, Dhuumaal, ayaa sheegay in dilka Kooke uu ku xeeran yahay tuhun, iyadoo uu intaasi ku daray "in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin".
Dhuumaal ayaa sheegay in ay jireen siyaasiyiin kasoo horjeeday sarkaalka la dilay, kuwaasoo uu ku jiro Gudoomiyaha Gedo oo dhawaan Itoobiya heshisi dhex-dhigtay labada dhianc.
Runtii, waxaan aaminsanahay inay jirtay arrin la maleegay, oo ninkan lagu daba jiray muddo dheer,” ayuu raaciyay.
Jimcihii, Agaasimaha (NISA), Mahad Salaad ayaa u magacaabay Jen Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsanaa Taliska Ciidanka Militariga, in uu noqdo Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo.
Waxay ku soo aadeysaa xilli xiisad cusub ay ka taagan tahay Gedo kadib markii ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin mucaarad ah ay sameynayaan Ciidan cusub oo iska caabin ah oo kasoo horjeeda kuwa dowladda.
Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Jen Fartaaq, Madaxweyne ku-xigeenkii maamulka Axmed Madoobe oo hadda Senator ah ayaa ku sugan gobolka, iyagoo wada dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Villa Somalia.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.