Diplomaasi ku baaqay in laga hortago kaligii-taliye Farmaajo

Kani Torun ayaa noqday Safiirka Turkiga ee Soomaaliya xiligii dowladdii Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Diplomaasi ku baaqay in laga hortago kaligii-taliye Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Diblomaasi sare oo u dhashay Turkiga ayaa ka digay qorshoolka Farmaajo, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka hortagaan kaligii-taliye iyo dagaal ka dhacay dalka Soomaaliya.

"Digniinta hoggaamiyaha Puntland waa inay noqotaa baaq baraarujin ah oo loogu talagalay Beesha Caalamka. Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato. Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa inta ay goori goor tahay," ayuu yiri Kani Torun, safiirkii hore ee Turkiga u fadhiya Muqdisho xiligii dowladii Xasan Sheekh.

Hadalkiisa wuxuu yimid kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu sheegay in Farmaajo uu doonayo in dalka uu xoog ku qabsado, isagoo adeegsanaya awoodda Ciidanka uu Turkiga tababaray ee Gorgor iyo Haram-cad.

Farmaajo ayaa Villa Somalia si fadhiya, xukunkana haysta iyadoo uu dhamaaday mudo-xileedkiisa afarta sano Feb 8, waxaana mucaaradka ay wadaan kacdoon shacab oo lagu dalbanayo in doorasho la qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.