KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dhawaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in dagaalka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku soo biireen diyaaradaha Turkiga oo isku jira kuwo sirdoon iyo kuwo duqeyn intaba.
CADALE, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay duqeyn ka fuliyeen degaanka Masaajid Cali Gaduud oo shalay dagaal kharaar ku dhex maray ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidda dagaalka, duqeynta ayaa haleeshay bartilmaameedkeedii, waxayna xuseen in lagu dilay xubno ka tirsan Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab taasoo ciidan xooggan isugu keentay degaanka.
Ciidanka Dowladda iyo ciidamada degaanka oo shalay gudaha u galay Masaajid Cali Gaduud ayaa isla shalay dib uga soo baxay, kadib dagaallo kharaar oo ka dhacay halkaasi, waxaana la soo warinayaa inuu hadda socdo abaabu xooggan oo labada dhinac ah.
Askar iyo shacab ku soo dhaawacmay dagaalkii shalay ayaa xalay la keenay Muqdisho, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaana dhaawacyada ku booqday isbitaallada, isaga oo u rajeeyey caafimaad.
Dhawaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa xaqiijiyay in dagaalka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku soo biireen diyaaradaha Turkiga oo isku jira kuwo sirdoon iyo kuwo duqeyn intaba.
“Dowladda Turkiga ayaa ku soo biirtay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hawada ayay naga caawin doonaan, diyaaradaha Turkigu waa labo nuuc, kuwo sirdoon oo xogta raadinaya iyo nuuc duqayn”, ayuu xilligaas yiri Wasiir Fiqi.
Ciidanka Dowladda iyo dadka degaanka ee ka dagaallamaya Shabeellaha dhexe ayaa ku wajahan degmada Aadan Yabaal oo muddo dheer ay ka arriminayeen Kooxda Al-Shabaab, waxaana maalmihii la soo dhaafay ciidan xooggan ku qulqulayeen degmada Cadale.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.