KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Meelaha ay Diyaaradaha sida gaarka ah u duqeeyeen ayaa waxaa kamid ah deegaanka Buullo-Xaaji, ayadoona khasaarah aka dhashay duqeyntaasi ay warar kala duwan ka soo baxayaan.
Wararka laga helaayo deegaanka Buullo-Xaaji ayaa sheegaaya in khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray Maleeshiyaad iyo horjoogayaal Shabaab ka tirsan
Lama ogaan karo tirada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhalatay duqeynta ay diyaaradaha Kenya ay geysteen fariisimaha Shababaka ee deegaanada galbeeda ee gobbolka Jubbada Hoose.
Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah waxaana ay diyaaraduhu ay si gaar ah u beegsanayeen fariisimaha kooxda Shabaabka,sidaasna waxaa Keydmedia u xaqiijiyay dadka deegaanka.
Wixii ku soo kordha kala soco WWW.Keydmedia.net
Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.