Doolow: Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Ahlu-suna oo hubka laga dhigay

Doolow(keydmedia) Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo ahlu-suna oo ku sugnaa degmada doolow ee ku taala xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la sheegayaa in hubkii laga dhigay.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 300 oo askari oo ah kuwii ka dagaalamay bilo ka hor gobalka Gedo ayaa waxaa amarka hubka looga dhigay bixiyay saraakiil Itoobiyaan ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Ahlu-suna iyo kuwa dowladda oo ka hadlay falkan ayaa waxa ay sheegeen in ay garan la’yihiin ujeedada Itoobiyaanka.

Ciidamada Itoobiya, kuwa dowladda iyo Ahlu-sunna ayaa mudadanba ahaa kuwa iska garabsanayey dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ka wadeen agagaaraha doolow.

Maalin ka hor ayaa Kalabeerka Hiiraan waxaa ku dagaalamay ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah kadib markii Itoobiyaanka ay damceen in ay xiraan sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.