Doorashada HirShabeelle oo u socota si uusan ku farxin Farmaajo

Inta soo baxday illaa hadda waxay ahaayeen kuwa lagu tirito xagga mucaaradka, iyadoo afka ciida loo daray Musharixiintii Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Doorashada HirShabeelle oo u socota si uusan ku farxin Farmaajo

JOWHAR, Soomaaliya - Doorashadda Jowhar waxay abuurtay hadal-heyn badan, kadib markii laga adkaadey dhamaan Musharixiintii Farmaajo, ee la islahaa way ku guuleysan doonaan.

Illaa hadda kuraasta la doortay oo shan ka badan, waxaa ku fariistay Musharixiin dhanka mucaaradka lagu tiriyo, waxaana kamid ah Muuse Suudi, oo loo dabaal-degay guushiisa.

HirShabeelle ma noqon sidii uu rabey Farmaajo, waxayna u keentay madax-xanuun kadib markii ku fashilmay qorshihiisa uu ku doonayay in dhamaan sideeda kursi uu gacanta ku dhigo.

Dadka sida aadka u taageeray Farmaajo waxay ahaayeen Tarsan iyo C/llaashi Sheekh Xasan, oo afka ciida loo daray, waxaana jira kuwa kale oo soo guul-dareystay, iyadoo lacag badana bixiyay.

Mushariixii Maanta la doortay Jeneral Maxamed Axmed Af-Cadeey ayaa ah shaqsi aad ugu dhaw Sheekh Shariif, wuxuuna horey usoo noqday taliyaha Ciidanka ilaaladda Villa Somalia.

Af-Cadeey wuxuu helay 52 cod halka Mushariixi kursigan ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay uu helay 44 cod.

Doorashooyinkii ka dhacay Puntland, Jubbaland iyo Galmudug sidoo kale mucaaradka ayaa gacanta sare helay, laakiin Koonfur Galbeed ayaa soo saartey guul-wadiyaasha Farmaajo.

KEYDMEDIA English 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.