KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xabdi Xaashi ayaa dhaliilsan qaabka uu Rooble u wado hanaanka doorashadda, gaar ahaan mida Xildhibaanada gobollada Waqooyi.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xerada Afisyooni waxaa lagu qabanayaa maanta doorasho khilaaf iyo kala qeybsanaan ka jirto, oo gudoon cusub ku dooranayo gudiga doorashadda Xildhibaanada Somaliland.
Afarta xubnood ee uu soo magacaabey Cabdi Xaashi ayaa qaadacay doorashadda, waxayna ugu baaqeen Ra'iisul Wasaare Rooble inuu dib u dhigo inta laga xalinayo khilaafka taagan.
Gudigan oo ka kooban 11 xubnood, ayaa u kala jabay labo garab, kuwaasoo si gooni gooni ah dhawaan doorasho u qabsaday, islamarkaana doortay labo gudoomiye oo iska soo horjeeda, taasoo keentay inuu Rooble soo farageliyo, oo baabi'iyo doorashadda labada gudoomiye, kuna baaqay in mid cusub la qabtay 7-ad August, oo Maanta ku beegan.
Mahadi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa isku khilaafsan Gudigan, oo midba kan kale doonayo inuu ka reebo doorashadda, waxaana lagu eedeeyay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha inuu dhinac la saftay, oo dhex-dhexaad ka noqon waayay muranka iyo is-jiid-jiidka.
Mushiladda asalkeeda waxay ka timid saddex xubnood oo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha kuso daray Gudiga, kuwaasoo gudoomiye Cabdi Xaashi ku baaqey in la bedelo, maadaama aysan dhex-dhexaad ahayn, oo NISA iyo shaqaalaha dowladda yihiin.
Baaqa Cabdi Xaashi ayaa waxba laga qaban, waxayna keentay inuu abuurmo khilaaf xoog leh, iyadoo dhowr jeer kulamo uu Rooble la yeeshay Mahadi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ay kusoo dhamaadeen natiijo la'aan.
Lama go'aanka garabka Cabdi Xaashi hadii maanta dhinaca kale ee Mahadi Guuleed uu qabsado doorashadda, kadibna gudoon cusub doorto. Rooble ayaa waxaa horyaalla cabaqado culus oo doorashadda ku saabsan, kuwaasoo dib u dhacyo keenaya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.