TEBIN TOOS AH

Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya

Tartanka xilka Madaxweynaha waxuu u dhaxeeyaa 35 Musharax, kadib markii afar ay shalay tanaasuuleen, kuwaasoo kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Dr C/naasir Cabdulle, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Siiriin.

Warar Keydmedia Online
Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya
PINNED

Daawasho wacan: 

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta waxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay dooranayaan Madaxweynaha afarta sano ee soo socda dalka ka talin doono, kadib dib u dhac hal sano ka badan oo ku yimid doorashadda Madaxtinimo, taasoo sabab u ah inuu Farmaajo diiday in si nadiif ah xukunka u wareejiyo.

Tartanka xilka Madaxweynaha waxuu u dhaxeeyaa 35 Musharax, kadib markii afar ay shalay tanaasuuleen, kuwaasoo kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Dr C/naasir Cabdulle, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Siiriin.

Cod kala-iibsi xoog leh ayaa jira, waxaan codka Xildhibaanka uu gaarayaa $30,000 illaa $100,000, iyadoo Villa Somalia Xildhibaanada ay iibsatay la sheegay inay xalay Madaxtooyadda dhex-seexdeen si aysan Musharixiinta kala u iibsan.

Waxay dhamaan murashaxiinta Madaxwaynaha ka galayaan Afisyooni MADINA GATE, xarunta Xalane, halkaasna ay ka soo galbin doonto ATMIS, ayadoo isticmaaleysa gawaari VIP gaar ah.

May 15, 2022 - 9:16:00
Mogadihsu- Keydmedia Online

Codeynta wareega 3-aad ayaa la guda gali doonaa, Qofkii helo 165 ayaa noqon doona Madaxweynaha 10aad ee dalka

May 15, 2022 - 8:15:00
Mogadishu- Keydmedia Online

Natiijadda wareegga 2-aad.
Xasan Sheekh Maxamuud: 110
Farmaajo: 83
Saciid Cabdullaahi Deni: 68
Xasan Cali Khayre: 63

Waxaa gudbay wareegga 3aad Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

May 15, 2022 - 6:47:00
Mogadishu- Keydmedia Online

Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa iclaamiyay natiijada wareega koowaad:

  1. Saciid Cabdullahi Deni 65
  2. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59
  3. Xasan Sheekh Maxamuud 52
  4. Xasan Cali Kheyre 47

Shariif Sheekh Axmed 39

May 15, 2022 - 4:38:00
MUQDISHO, Soomaaliya- Keydmedia Online

Wareegga 1aad ee doorashadda oo soo idlaadey, iyo tirinta codadka oo hadda billaabatay, waxaana la filayaa in lagu kala haro wareeggan, si Musharixiinta ugu codadka badan ugu gudbaan wareegga 2aad.

May 15, 2022 - 2:19:00
Mogadishu, Somalia- Keydmedia Online

Doorashadda ayaa la filayaa inay goordhaw billaabato kadb markii uu furmay kulanka Baarlamaanka, waxaana goobta ku sugan Musharixiinta, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Wakiiladda Beesha Caalamka.

Musharixii hela labo meelood saddex meel wuxuu ku guuleysanayaa doorashadda, oo la filayo inay dhowr wareeg gaari doonto maadaama tartanka uu adag yahay.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.