Doorka dhameystirka dastuurka ee Xukuumadda RW Xamse

Xukuumadda uu soo dhisayo Ra'iisul wasaare Xamse, ayaa looga fadhiyaa in ay kaalin weyn ka qaadato dhameystirka dastuurka qabyada ah.

Warar Keydmedia Online
Doorka dhameystirka dastuurka ee Xukuumadda RW Xamse

MUQDISHO, Soomaaliya- Dowladihii dalka Soo maray ayaa ku guul dareystay in ay dhameystiraan dastuurka Soomaaliya oo iminka qabyo ah.

Xukuumadda uu soo dhisayo Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, ayey xilligan arrintaasi masuuliyad weyn ka saaran tahay, waxaana laga sugayaa in ay dhameystiraan dastuurkan KMG ah.

Qubarada falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan, in xukuumadda uu soo dhisayo Xamse, ay door weyn ka qaadan karto in ay dalka ka saarto muranka ka jira dastuurka oo mar walba dhaliya khilaaf.

Arrimaha ugu weyn ee ay xukuumadda cusub gacan uga geysan karto dastuurka ayaa ah in wasaarad gaar ah ay u xil saarto, taas oo la shaqeysa labada golle ee barlamanka.

Si uu u noqdo dastuur rasmi ah, ayey aqoonyahanada qaarkood ku talinayaan, in RW uu la tashto maamul goboleedyada, maaddaama ay jiraan qodobo badan oo ay tabasho ka qabaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.