Doorka sugida amniga ee xukuumadda cusub

Kaalin muhiim ah ayaa la filayaa, in xukuumadda cusub ay ka qaadato, xaqiijinta amniga, oo xilligan ah howl xasaasi ah.

Warar Keydmedia Online
Doorka sugida amniga ee xukuumadda cusub

MUQDISHO, Soomaaliya- Xukuumadda cusub ee dhawaan la ansixiyey, ayey waqtigan masuuliyad weyn ka saaran tahay xaqiijinta amniga gudaha dalka oo iminka aad u liita.

Howsha amniga oo ah mid aan la dhayalsan karin, ayuu Ra'iisul wasaaruhu hore u ballan qaaday in xukuumadiisa ay xoog badan galin doonto.

Qubarada aqoonta u leh amniga ayaa ku baaqaya, in la howl galiyo golihii amniga qaranka, ee ay xubnaha ka ahaayeen Madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada.

Iskaashi dhex mara dhinacyada, ayaa sida la sheegayo ka dhigan, guulo badan oo ka soo hoyda amniga sii xumaanaya, waxaase lama huraan ah in labada dhinac ay isla gaaraan qodobo ay heshiis ku yihiin.

In la de-dejiyo dib u habeyntii lagu sameynayey ciidamada, oo dhawaanahan ku milmay siyaasadda, ayaa iyaduna ah arrin door weyn ka qaadan karta sugida amniga dalka.

Ansixinta sharciga la dagaalanka argagixisada, oo in badan horyaalla barlamanka, ayey qubaradu ku sheegayaan fursad looga adkaan karo afkaarta xagjirnimada, oo ah tan ay ka dhalatay amni darrada jirta.

Dhaqaalaha kala duwan ee soo galaya kooxaha argagixisada sida Al Shabaab iyo Daacish, ayaa kaalin muuqata ka ciyaari kara in ay sii socdaan falalka amni darrada, haddaba si taasi loo baajiyo waa biyo kama dhibcaan, in laga hor istaago ilaha ay dhaqaalaha ka helayaan.

Magaalo madaxda amnigeeda oo la sugo, ayaa fure u ah in dalka intiisa kale uu hagaago, waxaana taasi lagu heli karaa sida ay qubaradu qabaan, wada shaqeyn dhex marta booliska iyo shacabka, oo iminka xiriirkooda wada shaqeyn uu kooban yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.