Dowalddaha Sacuudiga iyo Filibiin oo Wada Gaaray Heshiis Ku Saabsan Sida Loola Dhaqmayo Gabdhaha

Muqdisho (KON)- Warbaahinta rasmiga ah ee dalkaasi Sacuudiga ayaa sheegtay in dowladaha Sacuudiga iyo Filipiin ay isla gaareen heshiis maareynaya gabdhaha Filipiin ee Sacuudiga u yimaada in ay ka shaqeeyaan guryaha, waxayna dowladda Sacuudigu sheegtay in ay bilaabeyso dalbashada gabdho reer Filipiin ah oo ka shaqeeya guryaha.
Warar Keydmedia Online

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Filipiin ayaa sheegay in la isla gartay in mushaarka ugu hooseeya ee la siinayo gabdhaha reer Filipiin ee ka shaqeysta Sacuudiga uu noqdo 400 oo doolar.

Dowladda Sacuudi Careebiya ayaa sanadkii la soo dhaafay go’aansatay in gabdho ka socda dalka Filipiin aanay dalkeeda ka shaqeysan Karin kadib markii ay badatay cabashada dumarka reer Filipiin ee jooga Sacuudiga oo sheegayay in xuquuqdooda aanay helin, isla markaana la siiyo mushaar aad u hooseeya.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.