KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mid kamida Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo Sacdiyo Salaad Samatar ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu shacabka ku marin-habaabinayo balan-qaad been ah oo uusan u fulin karin, taasoo ah doorasho qof iyo cod ah inuu dalka ka qaban doono 5 bilood kadib.
MUQDISHO, Soomaaliya - Sacdiyo Salaad Samatar, ayaa sheegtay in maamulka Farmaajo uu ku fashilmay amniga dalka iyo fulinta dhamaan balan-qaadyadii uu u sameeyay shacabka Soomaaliyeed xiligii doorashadiisa, oo ahayd inuu labo sano gudahooda Al-Shabaab dalka uga saarayo, sidoo kalena uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah.
Waxay riyo-maalmeed ku tilmaantay hadalka Farmaajo, waxayna tiri: "Dowlad aan Suuqa Bakaaro ka talin, oo mas'uuliyiinteeda, Shaqaalaheeda iyo Xildhibaanada tagi karin, sidee doorasho qof iyo cod ku qabanaysaa 5 bilood hudahooda."
Muqdisho qeybo badan oo kamid ah waxaa ka shaqeeya amarka Al-Shabaab, iyadoo dowladda goobaha ay degan tahayna maalin walba ka dhacaan weeraro ugu dambeeyay midkii dhalay ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe iyo dilal joogto ah.
Waxay ugu baaqday Baarlamaanka inaysan Farmaajo ku taageerin mudo-korarsiga uu doonayo, islamarkaana dalka laga badbaadiyo dhibaatooyinka kusoo wajahan ee ka dhalan kara dib u dhigista doorashooyinka 2020-2021.
Xildhibaanad Sacdiyo Salaad waxay sidoo kale ku boorisay Madaxda Maamul Goboleedyada inay shirka soo socda ee Dhuusamareeb go'aanno mideysan uga soo saaraan arrimaha doorashooyinka, lana sameeyo wax kasta oo looga hortagayo dib u dhac iyo mudo-korarsiga.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.