KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo booliska gaarka ah ee Haramcad, ayaa dhawaan laga daad gureeyay Muqdisho, kuwaas oo qorshuhu yahay in ay ka dagaallamaan Gureceel.
MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaal qaraar ayaa maalintii 3-aad oo xariir ah, ku dhex maraya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo koox diimeedka Ahlu-sunna, oo billowgii bishaan duullaan aan dhiig ku daadan ku qabsaday degmada.
Sida ay ilo ku sugan garoonka diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, u sheegeen Keydmedia Online, ku dhawaad 400 oo askari oo ka tirsan Ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa XDS ee Gorgor, ayaa dhawaan loo daabulay Dhuusamareeb si ay qeyb kaga qaataan dagaalka Guriceel.
Sidoo kale, wararku waxa ay xaqiijinayan in diyaarad sidda daawooyin iyo dhaqaatiir Soomaali iyo ajaanib isugu jira ay dhawaan ka kacay Aadan Cadde, taas oo muujineysa in qasaaro xooggan uu sababay dagaalka saddexda maalin ka socda Guriceel.
KON, ayaa fahansan in tiro intaas ka badan hore looga qaaday Caasimadda, waxaana magaalada Guriceel ku sugan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan ‘Farxaan Qaroole’.
Dagaalka oo si weyn ugu baahsanaa xaafadaha magaalada, ayaa hadda ku aruuray halka loo yaqaan Jaamacadda oo waqooyi-bari kaga beegan Guriceel, dagaalka maanta ayaana ka qabow sidii maalmihii hore, waxaana dhanka gabal-dhaca, koofurta iyo qeybo ka mid ah waqooyi-qorraxsimaad laga dareemayaan deganaan aan cago badanna ku taagneyn.
Dagaalka ka dhanka ah, kooxda SUFA, ayaa u muuqda mid aad u adkaaday, waxaana ku dhawaad 70 saac uu socdo aan ka hadlin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xusseen Rooble, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo inta badan Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha.
Kooxda ay hoggaamiyaan Macallin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, ee ASWJ, ayaa 1-dii October 2021, ku soo duushay Guriceel, oo magaalada ka raacdeeyeen maamulkii degmada ee sharciga ahaa, taas oo sababtay in Dowladda Soomaaliya ay kala hortagto dagaal ay hoggaaminayaan saraakiisha ugu sarreeya CQS.
Ciidamaada xooggan ee maanta laga daabulay Muqdisho, ayaa galinka hore ee berri ka dagaal-gali kara Guriceel, halka ciidamada taabacsan ASWJ, ee go’doonka ku ah aagga jaamacadda la soo sheegayo in ay qudhoodu maanta heleen hub fara-badan oo si qarsoodi ah kaga yimid dhanka Puntland.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.