KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kulan ay shalay Magaalada Nairobi ku yeesheen Safiirka Cusub ee Ingiriiska iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya ayaa waxaa ay ka wada hadleen gelitaanka Ciidamada Militeri ay galeen Soomaalia.
Dowlada UK waxaa ay sheegtay in ay garab taagan tahay Ciidamada Kenya si loola dagaalamo Al-Shabaab-ka Mucaaradsan Dowlada Soomaalia.
Afhayeenka Barlamaanka Kenya Kaneth Marende ayaa usheegay Safiirka Cusub ee Britein usoo magacowday Kenya in gelitaankooda Soomaalia ay keentay kadib Markii ay AlShabaab ku soo xad gudbeen amaanka Kenya.
Horay ayaa Dowladaha Caalamka ay utaageereen Howlgalkan, Waxaana Dowlada Ingiriiska ay haatan qeyb ka noqon doontaa Wadamada Lacagaha ku dhiibo doona la dagaalanka Al-Shabaab.
WWW.KEYDMEDIA.NET
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.