Dowlada Britian oo oo Dhaqaale badan ugu deeqday Soomaaliya

London (KON) - Dowlada Ingriiska ayaa 3 Malyan oo Pound ugu Deeqday Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, balanqaadaynah in Lacago kale ay ugu Deeqdo.
Warar Keydmedia Online

1.47 Malyan ayaa loogu talagalay Dowlada iyo Howlaha Dowlada, sida 1.3 Milyan loogu tala galay in lagu caawiyo ilaa 60 kun oo iskugu jiray Haween iyo Carruur oo ku tabaaleysan wadanka.

Dowlada Ingriiska ayaa sheegtay in Lacagtaas loogu talagalay sidii loo badali lahaa Xaalada Nololeedka ay kunool yihiin Dadka Soomaaliyeed.

Dowlada ingiriiska ayaa balanqaaday in 63 Milyan ay ugu yaboohi doonto sanadkastaa Soomaaliya si wax loogu qabto arimaha gargaarka iyo mashaariic kala oo ku baxaya dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ingiriiska ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi shaqo abuuris lagu sameyn doono,waxna looga qaban doono caafimaadka iyo goobaha waxbarashada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.