KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka ganacsiga dalka Japan Yasunori Nakayama ayaa ka hadlay u jeedka kulanka ay dowlada Japan u soo qaban qaabisay,isagoona sheegay in Japan ay dooneyso xoojinta xariirka kala dhaxeyso dalka Soomaaliya.
Wuxuu hoosta ka xariiqay wasiirka ganacsiga Japan in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay taageeraan,islamarkaana ay doonayaan in shirkaan uu noqdo mid lagu hormariyo dhaqaalaha iyo horumarka dalka dagaalada ay daashadeen.
Sidoo kale Mr Nakayama ayaa shaaca ka qaaday inay daneynayaan kobaca dhaqaale ee wadamada qaarada Africa, wuxuuna aqoonsaday in Soomaaliya haatan cagta ay saartay wadadii hormarka ay ku gaari lahayd.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.