Dowlada Kenya oo dad qaxooti Soomaali ah ku leesay Dhagaxleey

Nairobi (Keydmedia) - Ugu yaraan labo qof ayay ciidamada Kenya ku dileen xerada qaxootiga ee Dhagaxleey, iyadoo labo kalana loo qaaday magaalada Gaarisa kuwaasoo xaaladooda caafimaad laga deeyrinayo.
Warar Keydmedia Online

6 kale ayaa dhaawac ah oo lagu dabiibayaa isbitaalka xerada, waxaa jira qasaaro kale oo baaxad leh oo uu ka midyahay hanta la dhacay.

Qaar ka mid ah xaawaladaha oo ay ka mid tahay xawaaladda Kaah ayaa lacag dhacay lacago badan sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Wariyaal oo ku raadjoogtey faahfaahinta sida ay wax u dhaceen ayaa loo xaqiijiyey ugu yaraan magaca hal qof oo ka mid ah dadkii lagu diley gaboodfalkii ay maanta ciidamada Kenya ka geysteen xerada, mid ka mid ah wiilasha la diley waxaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan Dhabbar kuna magac dheer (Booroow), waxa uu ahaa ardada ka qalinjabisey dugsiyada dhexe ee qaxootiga sanadkii 2009-kii, wiilka kale ee dhintey nooma aysan suurogalin in aan magaciisa helno laakiin waxaan xaqiijin karnaa in labada ay kasoo jeedeen gobolka Jubbada Hoose. Waxa ay ahaayeen arday.

Shaqaaqadan ayaa dhacday kadib markii ciidamada Police-ka ay xoog ku burburiyeen goobo ganacsi oo loo dhisey in lagu kaabo goob masaajid ah, dadka qaar waxa ay sheegayaan in masaajidka aanan la burburin balse goobaha ganacsiga kaliya, balse taasi waxa ay ka caraysiisey dadkii qaxootiga kadibna waxa ay  fooda is dareen Police-ka oo adeegsaday xabbado noolnool.

Waa dhacdadii labaad oo ay Police-ku dad u adeegsanayaan rasaas caadi ah, todobaadyo ka hor shaqaaqo kale oo ka dhacday xerada Ifo dad badan oo raashiin saf ugu jirey, dadka ayaa gadoodey kadib markii ay arkeen wiil yar oo uu dhiig ka qubanayo oo ay Police-ku ay jirdileen.

Waxaa jirta xiisad isa soo taraysa oo u dhaxaysa Police-ka iyo dadka qaxootiga, dadka waxa ay ka cabanayaan dhaqan xumada Police-ka iyo waxyeelada ay dadka u geystaan, shaqada ciidamada waa in ay illaaliyaan amaanka dadka, islamarkaasina sugaan amaanka iyo kala dambeynta goobaha raashiinka lagu qeeybiyo.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.