Dowlada Soomaaliya oo dadka degan ka saaraysa xeradii ciidanka ee Damaanyo

Muqdisho (KON) - Dowlada Soomaaliya ayaa dadka degan xeradii ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee Damay uguu baaqday in ay ka guuraan.
Warar Keydmedia Online

Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Shan maalmood u qabtay dadka sida sharci darrada ah u degan Xerada Ciidamada ee damaaanyo in ay uga guuraan,

War ka soo baxay xafiiska taliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay dagaan xaruntooda magaalada Muqdisho.

C/qaadir Sheekh Cali Diini Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay, dhamaanba laamaha amaanka sida Nabad Sugida, Booliska iyo maamulka gobalka in ay ka qayb qaataan Banaynta xaruntaan.

Xerada Damaanyo ayaa ka mid ah xerooyinka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxaana haatan iska dagan dad shacab ah.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.