KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday dhawaan in dib loo soo celiyay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Kenya ayaa sheegtay in aan weli la ogolaan in dalka la keeno qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ee loo yaqaanay Miirowga
MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in gabi ahaanba aan dalka la keeni karin qaadka laga keeno dalka Kenya ee loo yaqaan Miirowga inta laga soo saarayo go'aan rasmi ah oo kasoo baxa mas'uuliyiinta dowladda.
Waxaa lagu wargeliyay dadka ka shaqeeya howlahaasi keenista qaadka in aysan dalka keenin qaadka Miirowga ilaa uu kasoo dhammaanayo wada-xaajoodka labada dhinac oo dib usoo celiyay xiriirkooda, balse aan kawada hadlin weli arrinta ganacsiga iyo qaadka.
"Keenista qaadka Miirowga ee dalka soomaaliya iyadoo aan ogolaashiyo laga haysan Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxaa loo aqoonsanayaa sharci darro iyo ku xad gudub hawada Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay'adda.
Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook -ga kusoo qoray in aan weli la ogolaan in dalka la keeno Miirowga "Qaadka Miiroowga ah wali looma ogola in dalka la keeno. Isfahamka labada dal waa mid ku eg soocelinta xiriirka diblomaasiyadeed." ayuu yiri agaasime ku xigeenka madaxtooyada Cabdinuur
Waxa uuna intaa sii raaciyay "Kala ganacsi iyo wax wada qabsi waxay ku iman karaan wada-xaajood iyo gorgortan ay ka dhalato dheef wadaag u qalanta labada dal"
Halkan hoose ka akhriso qoraalka Hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed:

KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.