Dowladda iyo ‘ganacsatada’ qaadka oo madaxa iskula jira

Dowladdu waxa ay sheegtay in nidaam kan kiiloogaraamka ahi uu yahay halbeegga ugu habboon ee lagu cabirikari karo cashuurta qaadka kaasi oo aan waxba ka bedelayn qiimaha cashuurta la qaadi jiray. Hase ahaatee ganacsatada ayaan middaas ku qancin.

Warar Keydmedia Online
Dowladda iyo ‘ganacsatada’ qaadka oo madaxa iskula jira

MUQDISHO, Soomaaliya – Ganacsatada soo dajisa maandooriyaha qaadka ee ka yimaada dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa shalay diiday in ay Dowladooda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiiloogaraamka.

War ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa lagu sheegay in go’aanka ay shalay ku dhaqaaqeen ganacsatada qaadka soo dajisa uu ahaa wax aan la aqbali karin lagana filayn ganacsatada iyo muwaadinka Soomaaliyeed ee ka shaqeysa ganacsi ceynkaan ah.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si cadaalad ah oo daah-furan u canshuurto dhammaan agabka la soo dejiyo si aan kor ugu qaadno dakhliga dhaqaalaha, kaas oo gacan wayn ka gaysan kara dib-u-dhiska dalkeenna”, ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Dowladdu waxa ay sheegtay in nidaam kan kiiloogaraamka ahi uu yahay halbeegga ugu habboon ee lagu cabirikari karo cashuurta qaadka kaasi oo aan waxba ka bedelayn qiimaha cashuurta la qaadi jiray. Hase ahaatee ganacsatada ayaan middaas ku qancin.

“Habkaan cusub ayaa ah mid daahfuran oo la jaan qaadaya dunida isla markaana si wax ku ool ah loogu hagaajin karo nidaamka canshuurta, iyadoo Dowladdu horay ugu wargelisay ganacsatada qaadka”. Ayay Wasaaradda Maaliyadda hadalkeeda ku sii dartay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

Waxaa nasiib darro ah in maanta Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay diideen in ay Dowladooda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiiloogaraamka, iyadoo Qaadka laga keeno Kenya iyo Itoobiya lagu soo dhoofiyo kiiloogaraam.

Tani waa wax aan la aqbali karin lagana filayn ganacsatada iyo muwaadinka Soomaaliyeed. Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si cadaalad ah, oo daah-furan u canshuurto dhammaan agabka la soo dejiyo si aan kor ugu qaadno dakhliga dhaqaalaha, kaas oo gacan wayn ka gaysan kara dib-u-dhiska dalkeena.

Nidaam kan kiiloogaraamka ahi waa halbeegga ugu habboon ee lagu cabirikari karo cashuurta qaadka kaasi oo aan waxba ka bedelayn qiimaha cashuurta la qaadi jiray. Hase ahaatee habkaan cusub ayaa ah mid daahfuran oo la jaan qaadaya dunida isla markaana si wax ku ool ah loogu hagaajin karo nidaamka canshuurta, iyadoo Dowladdu horay ugu wargelisay ganacsatada qaadka.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go'an inay si dhaw oo qaddarin iyo waxtar leh ula shaqeyso ganacasatada oo dhan oo ah lafdhabarka dalka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.