Dowladda oo bilowday diiwaan-gelinta diyaaradaha

Wasaarradda Gaadiidka ayaa maanta, 30 sanno kadib daah furtay Diiwaangalinta diyaaradaha iyo ruqsad siinta xirfadlayaasha.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo bilowday diiwaan-gelinta diyaaradaha

Hay'adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay si rasmi ah u bilowday shaqada diiwaan-gelinta shirkadaha diyaaraddaha iyo ruqsad siinta howlwadeenada ka shaqeeya.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa munaasabadii Jimcada maanta ka warbixiyey dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sanadihii la soo dhaafay "dib u soo celinta Astaamaha Qarannimadeenna".

Maxamed Cabdullaahi ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka, laakiin nidaamkaan ayaa waxaa kasoo wada shaqeeyay xukuumadihii ka horeeyay Farmaajo. 

Wasiirka ayaa guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal Soomaaliyeed.

Mashruucaan ayaa ahaa mid ay kasoo wada shaqeeyeen Dowladihii Hassan Sheekh iyo Sheekh Shariif. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.