KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ra’iisul Wasaarahu wuxuu go’aan aan ka soo noqosho lahayn ku tilmaamay dadaallada dalka looga xoreynayo Kooxada xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay Shacabka in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka lagu xoreynayo.
MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan oo ka mid ah isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyada ay wax-yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii Sabtigii ka dhacay isgoyska Soobbe (KM5).
Ra’iisul Wasaaraha oo u kur-galay xaaladda dhaawacyada ayaa warbixinno ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, wuxuuna ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeennada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.
Xamse Cabdi Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa ballan qaaday in loo aargudi doono hooyooyinka, carruurta, ardayda iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee Sabtigii lagu xasuuqay weerarradii ka dhacay Caasimadda.
“Markii furimaha dagaalka looga soo adkaaday ayay ka aargoosanayaan hooyooyinka, dhallaanka, odayga iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee Yaanyada ka korinaya carruurta, innagu waxaan ballan qaadeynaa in loo aargudayo dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri RW Xamse.
Ra’iisul Wasaarahu wuxuu go’aan aan ka soo noqosho lahayn ku tilmaamay dadaallada dalka looga xoreynayo Kooxada xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay Shacabka in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka lagu xoreynayo.
RW Xasme wuxuu hore u go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, guddigaas oo uu isagu hoggaaminayo ayna ku jiraan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu wuxuu hore u go’aamiyay in barnaamijka la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata, taasoo dhiig cusub ku shubi karta dagaalka.
Golaha Wasiirrada ayaa sidaa si la mid ah hore u go’aamiyay ansixinta ‘Isitraatiijiyadda Guusha ee Dabargoynta Argagixisada’, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.