Dowladda Qatar; Taageeraha ugu weyn ee Al-Shabaab!

2017-kii, dalal badan oo Carbeed oo ay ku jiraan Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto kooxaha mayalka adag, sida; kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (IS) iyo Al-Qaacida.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Qatar; Taageeraha ugu weyn ee Al-Shabaab!

MUQDISHO, Soomaaliya – Saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn u xoogeystay xoga sheegaya in Dowladda Qatar ay dadaalkii ugu xooggana ku bixineyso sidii loo hakin lahaa howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

Ilo sirdoon oo muhiim ah ayaa Keydmedia Online u sheegay in Dooxa xilligaan diiradda saareyso sidii loo damin lahaa kacdoonka shacabka loona joojin lahaa dullaanka Dowladda iyo dad-weynuhu ku go’aansadeen in dalka looga xoreeyo Kooxda Al-Shabaab.

Dalkaan ku yaalla Galbeedka Aasiya oo la fahansan yahay inuu calaaqaad xooggan la leeyahay Kooxda Taliban iyo qaar ka mid ah kuwa xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa wadda qorshe ku aaddan in Dowladda Federaalka ay wada-hadallo u baddesho gacan ka hadalka.

Ilaha aan xogtaan ka xigannay waxa ay sheegayaan in Saraakiil ka tirsan sirdoonka Qatar ay durba xiriirro la sameeyeen qaar ka tirsan Madaxda Dowlad gobolleedyada, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan isla-markaana ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa howlgallada socda.

Sanadkii 2019 ayay ahayd markii Wargeyska The New York Times, uu qoray warbixin la xiriirta in qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambaysay dowladda Qatar, si meesha looga saaro shirkadda DP-WOLD oo gacanta ku haysa dakedda Boosaaso.

Wargeysku wuxuu faafiyay wadahadal telefoon ku dhex-maray ganacsade u dhashay Qatar oo la yiraahdo Khalifa Kayed al-Muhanadi iyo Safiirka dalkaas ee Soomaaliya Xasan bin Xamza, kuwaas oo fulinta qaraxaas u adeegsaday gacmaha Kooxda Al-Shabaab.

Sacuudiga iyo xulafadiisa Khaliijka waxa ay dhowr jeer Qatar ku eedeeyeen in ay kafaalo qaaddo kooxaha xagjirka ah, waxaana shakhsiyaadka ay magan-galyada siisay ka mid ah Maxamed Siciid Atam oo ahaa Hoggaamiyihii Al-Shabab ee buuraha Galgala –Puntland.

2017-kii, dalal badan oo Carbeed oo ay ku jiraan Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto kooxaha mayalka adag, sida; kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (IS) iyo Al-Qaacida.

Dalkaan yar ee qaniga ku ah Gaaska ayaa si dadban gacanta ugu yahay siyaasadda Soomaaliya shantii sano ee Farmaajo dalka ka arriminayay, waxaana xusid mudan in muddadaas aan howl-gal muuqda lagu qaadin faraca Al-Qaacida ee Bariga Afrika.

Xilligaas waxaa jiray doodo xooggan oo ku aaddan in dhaqaale uu maamulkii Farmaajo ka helayay Dooxa uu sababay isku milanka hay’adda NISA oo uu hoggaamiyaya Fahad Yaasiin oo hore uga soo shaqeeyay TV-ga Al-Jaziira iyo hoggaanka Kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo Qatar ay dadaal ugu jirto sidii ay u qarin lahayd xiriirkeeda Al-Shabaab, isagana dhigi lahayd saaxiibka Dowladda Federaalka, haddana waxaa xilli kasta soo baxaya warbixinno ay qoraan khuburo amni oo caalami ah, kuwaas oo muujinaya qatarta Dooxa.

Bishii September 2018, qaar ka mid ah warbaahinta Faransiiska ayaa daaha ka qaaday dukumentiyo sir ah oo muujinaya in Doha ay caqabad ku tahay habsami u socodka shaqada hay’adda NISA ee la dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo adeegsanaysa Fahad Yaasiin.

Wargeyska Al-Ain News ee ka soo baxa magaalada Dubai ayaa dhankiisa hore u qoray in Qatar taageero dhaqaale iyo mid sirdoon la garab taagan tahay Al-Shabaab, taasoo gacan ka geystay in ay fashilmaan howl-gallo ka dhan ah Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida.

Agaasimihii hore ee NISA, C/llaahi Sanbaloolshe ayaa isna dhankiisa hore u sheegay in Qatar tahay waddanka kaliya ee xiriir gaar ah la leh Al-Shabaab, halka siyaasiyiin kale oo caan ah dhowr jeer goobo fagaare ah ka sheegeen in Qatar la shaqeyso Al-Shabaab.

Tan iyo bishii July howl-gallo ka caurtay dareenka shacabka oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda dalka, Dowladdu waxa ay ku dhawaaqday dagaal aan waxba lala hari doonin, Shacabka ayaana 15 sano kadib dumiyay darbigii ka cabsashada Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.