Shirkadda Coastline Exploration

Soomaaliya oo si rasmi ah u gashay heshiis shidaal

Warka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalah.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo si rasmi ah u gashay heshiis shidaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyay dib u eegis lagu sameeyay heshiiskii shidaal ee lala galay Shirkadda Coastline Exploration bishii February ee sanadkii hore, kaas oo xilligaas abuuray hadal heyn xooggan.  

War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la hagaajiyay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda iyo Shirkadda Coastline Exploration oo hore loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Dowladdu waxa ay sheegtay in dib-u-eegistaan ay la kaashatay Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada ceynkan ah, si loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu loona hirgaliyo heshiis lagu qanci karo.

 “Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay”, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed. 

Wasiirku wuxuu sheegay in wax laga baddelay shan qodob oo heshiiska ku jiray, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada (deed of amendment of the PSAs), kadib markii Garyaqaanka Guud uu si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban.

Warka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna”, Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Heshiiskii hore wuxuu dhigayay in Shirkadda Coastline Exploration kasoo saarto shidaal 7 baloog ama Ceel oo xeebaha dalka Soomaaliya ku yaalla, sida uu hore u sheegay Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, kaasoo eedeyn xooggan la kulmay.

Wasiir C/rashiid wuxuu xaqiijiyay in Farmaajo wax ka ogaa heshiiska uu saxiixay hayeeshee, Farmaajo ayaa dhankiisa ku inkiray Wasiirka kadib markii uu culeys kala kulmay baraha bulshadda, Ra’iisul Wasaarihi hore Rooble ayaa dhankiisa iska fogeeyay.

Xilligaas waxaa Wasiirka loogu eedeeyay in isaga iyo Farmaajo lunsadeen lacag dhan 7 milyan oo ka mid ah lacagta lagu qaatay [Signing bonus] oo gaaraysay $14 milyan, isagoo xilligaas sheegay in Coastline 30 cisho gudahood 7 milyan ku shubayso Bangiga dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.