KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Britain Wilyam Heeg uu deeqdani fidiyay kadib shirkii New York oo uu kula kulmay halkaasi madax katirsan dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay wilyam Heeg in Boqortooyada Ingiriiska ay diyaar u tahay gacan qabasahda Dowladda cusub ee Soomaaliya iyo shacabkeeda si ay uga wada faa’ideystaan xaaladda niyad wanaaga iyo kalsoonida ah ee ay wada rajeynayaan diyaarna ay u yihiin xilligan in Soomaalida oo idil ay horey uga socdaan halkii ay horey ka joogeen dhinacyada siyaasadda iyo maamulka intaba.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Britain Wilyam Heeg waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay bayaankii uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa la dagaalanka musuq maasuqa dowladdiisuna ay haatan wixii ka dambeeya diyaar ula tahay dowladda cusub wax waliba oo ay si deg deg ah ugu baahan tahay in ay soo gaarsiiso sida xoojinta awoodaha hey’adaha dowladda iyo garab siinta barnaamijyada ku aadan dhinaca dastuurka iyo xaaladaha Ammaan oo uu wehliyo horumarinta warbaahinta xurta ah.
Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha dibadda Britain ayaa sheegay in sanadkani gudihiisa safaarada Britain si toos ah looga furi doono magaalada Muqdisho hadii xaaladda Ammaanka uu wax iska badalo
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.