Muqdisho: Dowladda oo ku dhawaaqday Howlgal Cusub “Nabad ku Afur”

Muqdisho (KON) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in uu billowday Howlgal Cusub oo loogu magacdaray “Nabad Ku Afur” kaasi oo Ujeedkiisu yahay in Bisha Radamaan ay Shacabka Muqdisho helaan Nabad.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho: Dowladda oo ku dhawaaqday Howlgal Cusub “Nabad ku Afur”

Afhayeenka Hay’adaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Gaashaanle dhexe Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ay bilaabeen Howlgalka looga hor tagayo falal amni darro inay dhacaan Bisha Ramadaan.

Wuxuu sheegay in Ciidamo badan ay geeyeen Xaafadaha kala duwan ee Caasimada, kuwaasi oo baaritaano & Roondo ka samaynaya Wadooyinka, iyadoo ay ka hortagayaan Qorshooyinka Guracan ee Kooxda Al shabaab ay Dadka ku dhibaataynayaan.

Tallaabadan, ayaa ah mid aan la ogeyn waxa ay ka qaban karto Amaanka Muqdisho oo marka la gaaro Bishan Ramadaan ay Al shabaab ka fuliyaan Weeraro Habeen & Maalin ah, kuwaasi oo Shacabka Muqdisho Khasaarooyin kale duwan kasoo gaaro.

Kooxda Al shabaab ayaa ku hanjabtay in Bisha Ramadaan ay ka fulin doonto Muqdiho Weeraro horleh, iyadoo Dadkana ugu baaqday inay ka fogaadaan Xaruumaha Dowladda & AMISOM.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.