Dowladda oo Madoobe la Heshiisay

Addis Ababa (KON) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa Xalay Heshiis kala saxiixday, kadib Wadahadallo ka socday Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya mudo Todobaad kabadan.
Warar Keydmedia Online

Wajiga Labaad ee Wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa Asbuuc kahor ka biloowday Caasimada Itoobiya, wuxuuna Shirku galay Marxalad adag kadib markii Dowladda ay diiday in ay ka tanasusho Qodobadii ay la timid Shirka.

Dhowr jeer ayuu Shirka Qarka u saarnaa in uu Bur-buro, wuxuuna Shirku wali u fashilmin dadaal ay sameeyeen Beesha Caalamka.

Inkastoo aan wali Warbaahinta loo bandhigin Qaabka lagu Heshiiyay, Saraakiil Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Keydmedia Online u Xaqiijiyeen in Maamulka Madoobe uu noqon doono mid KMG ah, Qoddobadda lagu Heshiiyay inta baddan horrey ayaan usoo daabacnay.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom ayaa xaqiijiyay in Dowladda iyo Madoobe ay kala saxiixdeen Heshiis, wuxuuna bartiisa Twitter kusoo Qoray in Heshiiskaan uu yahay mid Taariikhi ah.

Qodobkii ugu Muhiimsanaa oo la isku hayay mudo (Maamulka Dekadda iyo Garoonka Kismaayo) ayaa la sheegay in 6 Bilood loo dhiibi doono Maamulka "Jubba" oo uu Axmed Madoobe Gudoomiye ka yahay, kadibnah ay Dowladda Federaalka la wareegi doonto.

Qodobada lagu Heshiiyay oo ay Keydmedia Online horey usoo Qortay ayaa waxaa kamid ah, in 3 Guddoomiye ku xigeen iyo 3 Guddoomiye Gobol oo Maamulayo Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo loo sameeyo Maamulka Jubba (Magacii Jubbaland meshaa laga saaray).

In Maleeshiyada Axmed Madoobena la qarameeyo iyo In Shir dib u heshiisiineyd lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Wixii Warar ah ee Shirkan kasoo kordha kala soco Keydmedia.net oo 2 Wariye Goobjoog u yihiin.

Keydmedia Online - Wakiilka Xafiiska Nairobi oo haatan ku sugan Addis Ababa

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.