KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Jamalutin Kani Torum oo Shir jaraa’id ku qabtay Gudaha safaaradda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Dowladiisa ay dhisi doonaan Goobo Ganacsi kuwaasi oo uu horay u balan qaaday Ra’iisal-wasaare Rajab Dayib Erdogan.
Kani Torum ayaa tilmaamay in ay dhisi doonaan Suuqa ku yaala Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo iminka Bur-bur xooggan uu ka muuqanayo.isagoo xusay in Dowladda KMG ay ka sugayaan Dhul si ay Suuqyo uga dhisaan dhammaan Magaalada Muqdisho.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Jamalutin Kani Torum ayaa sidoo kale Tilmaamay in ay dhisayaan Waddoonyinka muhim ah ee ku yaala Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku Bur-buray Dagaaladii ka dhacay Dalka, isagoo dhanka kalena sheegay in dadkii dhawaan Dowladdu ay Guryaha ka saartay ay u dhisayaan 2,000 oo Guri islamarkaana Dowladda KMG Soomaaliya looga baahan yahay dhulkii laga dhisi lahaa Guryahaasi.
Dowladda Turkiga waxay ka mid tahay Dowladaha ugu horeeya ee Caawimaadda u fidiyey Shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii Abaaraha xooggan ay ku dhufteen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.