Dr. Max’ed Aadan Shiikh oo ku geeriyooday Magaalada Torino - (Italia) + (Daawo Video)

Dr. Max’ed Aadan Shiikh Au Maxamuud waxuu ka mid ahaa Soomaalida tirada yar ee ay ku dambeysay danqashada iyo damiirka Soomaalinimo ayaa maalinimadii shalay ku geeriyooday Magaalada Torino ee Dalka Talyaaniga
Warar Keydmedia Online

Dr-ka ayaa waxa uu uga jiraa taariikhda Soomaaliyeed baal xushmad leh oo aan sinnaba loo ilaawi karin isagoona ka mid ahaa rag horseed u ahaa howla badan oo wanaagsanaa loona tiriyo inuu qabtay kacaankii 21-ka sano maamulayay Dalka ee uu Madaxda u ahaa Max’ed Siyaad Barre.

Dr. Maxamed Aden waxa uu geeriyooday isaga oo huwan sharafkii iyo karaamadii Soomaalinimo isla markaana  ku haminaya in Soomaaliya isbadal uu ka dhaco dhibaatadanna ay dhamaato. Waxa uu ahaa nin aragti dheer raadinayayna midnimo ay Soomaalida oo dhan ku wada diirsato. Waxaa uu ka soo horjeeday kala qeybsananaanta  Ummadda Soomaaliyeed isagoona ku howlanaa sidii Soomaali meel leysugu keeni lahaa.

Sida aan sadarada sare ku soo xusnay Marxuum Dr Max’ed Aadan Shiikh waxa uu ahaa aqoonyahan si weyn uga danqanayay dhibaatada Soomaaliya ku habsatay.

Waxa uu ka mid yahay dadka ku soo baxay Barnaamijka Dhacdo Ugub ah ee warbaahinta keydmedia.net ay idin soo gudbiso todobaadkiiba mar, waxaana laba qeybood oo ka mid ah wareysiyadii  laga qaaday xiligii uu nool ay ku soo baxeen barnaamijka Dhacdo ugub ah bishii july ee sanadkan, hadaba si aad wax badan uga ogaato Shaqsiyadda iyo wadaniyadda uu la geeriyooday Dr Max’ed Aadan Shiddo Daawo wareysiga ay warbaahinta keydmedia.net la yeelatay xiligii uu noolaa,waxaan gurigiisi Torino ugu tagay oo ku wareysanaya Ali Said Hassan.

Qeeybtii 2-aad

Geeridu waa xaq, nin roon ma raago, nafani maalinkeeda dhaafi meyso, bahda keydmedia.net , aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo dhamaan bahda warfaafinta waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Dr Max’ed Aadan Shiikh.

www.keydmedia.net ?

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.