KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Marwada R/wasaraha Dalka Soomaaliya D.rssa Caasho Xaaji Cilmi oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Deeqdan isugu jirtay Bustayaal, Dharka Dumarka iyo waxyaalo kale ay ugu talagashay Haweenka Tabarta yar oo ay abaaruhu soo Barakiciyeen ah ee mudadaan dambe ku noolaa kaamkaan Cadaala .
Xildhibaanad D.rssa Caasho Xaaji ayaa Carabka ku adkeysay kuna Boorisay Haweenka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan Gabood falada loo geysanayo Haweenka oo ay ka mid yahiin Kufsiga iyo Xaqiraada Dumarka Soomaaliyeed, ha la aamusinina oo soo sheega Xad gudubka la idiin geysanayo Dawladuna waxay diyaar u tahay in ay Muteystaan Cinqaab ay ku quustaan kuwa isku daya in ay ku kacaan Falalkaan la caadeystay ee Xad gudubka Aadamiga.
Keydmedia.Net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.