Dunida oo munaasabadda Iidul fidriga looga dabaal dagay

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa maanta guud ahaan dunida si isku mid ah looga dabaal dagay munaasabadda Iidul fidriga iyadoona dadka ay isugu marxabeynayeen munaasabadda iidul fidriga.
Warar Keydmedia Online

Dhamaan bulshooyinka Islaamka ah ayaa saakay u dareereen Masaajida si ay u soo gutaan salaadda Iida waxaana markii saalada laga soo baxay ay dadku isugu marxabeynayeen munaasabadda Iida.

Inkastoo farxadda Iida aanay dadka hilmaamin ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ka socdaan dagaalo galaaftay nolasha shacab Soomaaliyeed oo aad u badan.

Jameecooyinka Salaadda wada tukaday ayaa dhamaantood waxa ay ku alle tuugeen in sanadka kan xiga uu Dalka Nabad iyo barwaaqo ku gaaro.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.