Duqeyn ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Waxaa duqeyn lagu burburiyay xero ciidan oo Kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Jubbada hoose

Warar Keydmedia Online
Duqeyn ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

JAMAAME, Soomaaliya - Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyuhu wadin ayaa duqeymo xoogan ka fuliyay degaanka Buurta Kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir ujirta magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Ku dhawaad 20 arkari oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta kuwaas oo ku guda jiray tababarkoodii u danbeeyay sida wararku sheegayaan.

Saraarkiil ka tirsan CXDS, ayaa sheegay in Duqeeynta ka dhacday degaanka Buurtra kuumba ay is ka gaashadeen ciidamada Dowladda iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya jooga.

Al-Shabaab ayaa dhawaanahaan joogto looga dhigay duqeynta lala beegsado xeryahooda tababarka, dhawaan ayayna ahayd markii ciidamada Yugaandha ku dhawaad 200 oo askari oo tababar loo soo xirayay ku laayeen gobolka Shabeelaha hoose.

Inkasta oo wali ay halkeedi ka sii socoto duqeyta ka dhan ka ah Al-Shabaab ee shisheeyuhu hoggaaminayo, haddana ma jirto wax dagaal dhulka ah oo kooxda Farmaajo la galeen Al-Shabaab ama hadda u qorsheysan.

KEYDMEDIA ONLINE.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.