Duqii degmada Gaalkacyo oo shaqadii laga joojiyay

Duqii Degmada Gaalkacyo qeybta Maamulka Puntland ayaa shaqadii laga joojiyay.

Warar Keydmedia Online
Duqii degmada Gaalkacyo oo shaqadii laga joojiyay

GAALKACYO, Soomaaliya - Wareegto kasoo baxday xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Puntland ayaa shaqadii looga joojiyay duqii degmada Gaalkacyo Saahid Maxamed Cali.

Guddoomiye Saahid ayaa lagu soo eedeeyay inuu hareer maray hab-raaca dhaqaalaha iyo fulinta waajibaadyada dastuuriga ah ee degmada sida lagu sheegay warka kasoo baxay xafiiska Wasiirka arrrimaha gudaha Puntland, waxa uuna faray Guddoomiye ku-xigeenka Gaalkacyo  Mudane Maxamed Cabdinaasir Cigaal inuu shaqada sii wado illaa amar dambe, isla markaana laamaha amniga ay la shaqeeyaan kusimaha duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland

Waraaqda rasmiga ah ee shaqada looga joojiyay guddoomiyaha ahna duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamed Cali halkan ka akhriso:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.