Duulimaadyadii Diyaarada Somali Airline oo dib loo soo celinaayo?

Nairobi (KON) - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/laahi Ciil Mooge Xirsi ayaa sheegay in Dowlada ay qorsheyneyso sidii Dib loo howlgalin lahaa Diyaarada Somali Airline.
Warar Keydmedia Online

Wasiirka wasaarada warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmo kahor gaaray dalka Turkiga, ayaa magaalada Mersin ugu qeyb galaya Shirka Diirada lagu saaray Hormarinta duulimaadyada Soomaaliya, waxaana Shirkaan ka qeyb galay Masuuliyiin ka kala socota Dowladaha Turkiga, Mareeykanka iyo Midowga Yurub.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Diyaarada Somali Airline ay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii ay ku tagi jirtay wadamada Caalamka.

Sida ay Keydmedia Online Diplomaasiyiin u Xaqiijiyeen, Maalgalinta Diyaaradda Somali Airlines waxaa la wareegi doona Dowlada Turkiga iyo Qatar.

Dowlada Turkiya ayaa Soomaaliya ka balan qaaday inay la wareegto Maalgelinta Mashruucaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.