KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
England ayaa qiimeyntaan 2 darajo sare u soo kacday waxeyna markaan soo fariisatay booska 5aad, darajadaan cusub waxaa England u sahlay badiskii ay ka badisay Spain iyo xulka kaalinta 18d ee Sweden taasoo u sahashay iney ka sara marto Brazil oo kaalinta 6aad kala horeyntaan kaga jirta.
Xulka The Netherlands ayaa booska 2aad qiimeyntaan kaga jira , kaalinta 3aad waxaa fadhiya xulka Germany.
Xulka heysta horyaalnimada qaarada South American ee Uruguay ayaa ka mid noqday 10ka xul ee qiimeyntaan ugu sareeya, numberka 9d waxaa ku jira xulka Italy oo 13-kulan oo uu ciyaaray ciyaaro saaxiibtunimo aan laga badin ilaa iyo hada.
Portugal iyo Croatia oo si qalqiil ah ugu soo baxay tartanka 2012 ee qaarada yurub ayaa waxey kala heleen kaalmaha 7aad iyo 8aad.
Ivory Coast oo hogaaka u heysa qiimeynta Africa ayaa aduunka waxey kaga jirtaa booska 16d halka booska 19d loo siiyay xulka Japan oo ah xulka ugu wanaagsan qaarada Asia.
Mexico waxey ku jirtaa booska 20d waxeyna tahay xulka ugu wanaagsan qiimeynta xulalka CONCACAF.
Horumarka ugu weyn waxaa qiimeyntaan ka sameeyay Czech Republic, oo yimid kaalinta 14d markii uu ka yimid kaalinta 33d, sidoo kale Ecuador, ayaa heshay booska 10d markii ay ka timid booska 42.
3da xul ee halka ugu sareeya ka gaaray qiimeyntaan tan iyo markii la bilaabay 1993: waxey kala yihiin Venezuela (No. 39), Cape Verde (No. 57) iyo Antigua and Barbuda (No. 83).
Qatar, oo ah martigaliyaha 2022 World Cup, ayaa 3 darajo hoos loo tuuray waxeyna jiiftaa booska 95d walow aan laga badin 3dii kulan ee ugu danbeysay.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.