Ergeyga Qatar oo wali wada kulamada Siyaasiyiinta

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar, Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani, ayaa sii wada kulamada uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaalida, wuxuuna maanta la kulmay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda.

Warar Keydmedia Online
Ergeyga Qatar oo wali wada kulamada Siyaasiyiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa kulan gaar ah la yeeshay, Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada iyo Dhex-dhexaadinta Khilaafaadka Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani.

Sida uu sheegay Mahdi Guuleed, kulankaan waxaa looga hadlay arrimo la xariira  xal u helidda doorashooyinka lagu muransan yahay, iyo iskaashiga labada dal.

 “Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal”. Ayuu yiri Guuleed.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar, Al Qahtani, ayaa sii wada kulamada siyaasadeed ee uu la yeelanayo shaqsiyaadka muhiimka u ah, xallinta khilaafaadka taagn, ee sababay gacan ka hadalka.

Wali ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray waan waanta uu wado Al Qahtani, wuxuuse qaabilay inta badan Saamileyda Siyaasadda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.