KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
War qoraal ah oo lagu direy fariimaha Emailka oo loo direy warbaahinta ayaa lagu sheegey in ciidamada Ethiopia ay cagojugleyn iyo handadaad ku hayaan hey’adaha gargaarka ee cunada iyo biyaha u geyn lahaa dadka ay abaartu ku dhufatay.
Laakiin Vincent Lelei oo ah madaxa hey’ada gargaarka bini’adanimada ee qaramada Midoobey ee OCHA loo yaqaano xafiiskeeda Ethiopia ayaa idaacada codka Ameerika VOA u sheegey “Aniga kama warhayo warbixinta aad sheegeysaan ee kasoo baxday ururka ONLF, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in hey’adaha gargaarka ay ka warhayaan abaarta gobolka ka jirta islamarkaasina hey’adaha iyo dowlada ay u wada shaqaynayaan si hagar la’aan ah, waxaan biyo dhaamin ka samaynay deegaano badan, walina waan sii wadnaa”
Abaarta ku dhufatay dhulka SoomaaliGalbeed ayaa sidoo kale saamaysay dhamaanba dhulalka Soomaalidu degto laga bilaabo gobolka NFD ilaa iyo Jabuuti.
Xigasho: Kismayonews
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.