Ethiopian Cargo oo Hub siday oo ku gubatay Garoonka Muqdisho

Muqdisho (KON) - Diyaarad laga leeyahay Dalka Itoobiya (Ethiopian Cargo) ayaa ku gubatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Air-Port ee Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Ethiopian Cargo oo Hub siday oo ku gubatay Garoonka Muqdisho

Diyaaraddaan oo ahayd Ethiopian Cargo ayaa waxaa la sheegay in ay Hub u siday Ciidamada AMISOM, waxaana u furmi wayey  Lugaha waqtigii ay soo Cagadhiganeysay. Durbadiiba waxaa Cirka qabsaday Uuro iyo Qiic Qariyey Cirkii dhinaca Garoonka Magaalada ka xigo.

Dhamaan waxaa xayirmay Diyaaradihii Garoonka ka soo dagayey am aka duulayey sida Turkish Airways iyo diyarado kale oo doo Cagadhigan wayey Saakay Garoonka Aden C/lle airport ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 4 ayaa ruux ayaa ku dhimatay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.