Exclusive: Dowladda oo Shaacisay War Been ah // Weerarkii Dhay-tobaako

Muqdisho (KON) - Macluumaad ay Keydmedia Online ka heshay Illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya aysan ka warqabin Weerarkii Diyaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ay ku qaadeen Jubbada Dhexe.
Warar Keydmedia Online

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka Warqabtay Weerarkii Dowladda Mareykanka ay ku qaaday Tuullo aan ka fogeyn Jillib, waxeyna sheegtay in la wargaliyay in Weerarkaan uu dhici doono.

Mid ka mida kuwa ugu waaweeyn ee sameeya Bamka ayaa Isniintii lagu dilay Jubbada Dhexe kadib weerar ay qaadday Diyaarad Daroonka Maraykanka ah.

Xogtaan ayey Keydmedia Online ka heshay Shaqaale u shaqeya Saddex Wasaaradood, waxeyna kuligood noo sheegeen in Dowladda aysan ka warqabin Weerarka lagu qaaday Duuleedka Jillib, lana beegsaday Ibraahim Cali Cabdi (Anta-Anta) oo Kooxda Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca Qaraxyada ismiidaaminta ah, oo ay Dowladda Mareynka raadineysay Muddo.

Sarkaal Sare oo ka gaabsaday in Magaciisa lagu muujiyo Warbixintaan oo ay Keydmedia la hadashay ayaa yiri "Hadii Daacada laga hadlo, Madaxda Dalka iyo Sirdoonka Soomaaliya kama aysan Warqabin Weerarka Mareykanka ay ku qaadeen Tuuladda Dhay-tobaako (...) Wasaaradda Gaashaandhiga iyo mida Arimaha Gudaha-ba waxey Weerarkaan ka maqleen Saraakiil AMISOM kamid ah, markuu dhacay Weerarka (...) Inta kale, xitaa Madaxweynaha Saacad kadib ayaa loo sheegay"

Sidoo kale Illo xog ogaal ah oo ka ag dhow-dhow Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa noo sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha ay aheyd Wasaarada ugu horeysay oo loo sheegay in Diyaaradaha Drones ay duqeeyeen Jubbada Dhexe, kadibnah Warka uu gaaray Wasaaradaha kale.

Dowladda oo Shaacisay War Been ah

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid la qorsheysanyay muddo: "Ibraahim Anta-Anta (...) dilkiisana waa guul weyn, waxaana aad ugu faraxsanahay in tani ay Al-shabaab ku tahay dhabar-jab weyn, waana la soconay Weerarkaan”

Sidoo kale, Afhayeenka Ra

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.