KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wafdigii shalay laga soo celiyay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay wararka qaar ay sheegayaan inuu Muqdisho ka diray madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waloow wararkaasi ay yihiin kuwo madax banaan.
Markii wafdigu uu ka degay Garoonka Kismaayo ayaa waxaa u yimid ragg ka socda Maamulka magaalada Kismaayo kuwaasoo ku wargaliyay inaysan u gudbi karin gudaha magaalada Kismaayo hadii ay u gubaanse aysan damaan qaadi karin amaankooda taasoo keentay in xubnaha wafdigii shalay ay si deg deg ah uga soo duulay garoonka Kismaayo iyagoo ku soo laabtay magaalada Muqdisho.
-Sababta ku kaliftay in Maamulka Kismaayo ay soo celiyaan Wafdigii Muqdisho ka tagay ee Kismaayo tagay?.
Ilaa hadda war rasmi ah oo ku saabsan waxa ku kalifay in Maamulka Kismaayo jooga ay ku dhahaan wafdigii Muqdisho ka tagay ee Kismaayo tagay amaankiina ma damaanad qaadi karna lama garanayo, balse waxaa soo baxaya warar kala duwan oo arrintaasi ku saabsan.
1- tan ugu horeysa waxay tahay in Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo iyo ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga ay ku andacoodeen inaan lagu soo war galinin in wafdi Muqdisho ka yimid uu Kismaayo imaan doono.
2- tan labaad waxay tahay inuu jiro khilaaf iyo mad madow u dhaxeeya masuulyiinta Kismaayo iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya, waloow khilaafkaasi aan si buuxda loo ogaan karin waxa uu salka ku hayo.
Magacyada raggii la socday wafdigii shalay:.
Xubnihii la socday wafdigii shalay laga soo celiyay garoonka Kismaayo ayaa waxaa kamid ah:-
1-Maxaned Rooble Jimcaale (Goobaale)
2-C/laahi Cali Caanood iyo xubno kale
-Wariyaal Wali ku Xanniban Garoonka Kismaayo:.
Wafdigii shalay laga soo celiyay magaalada Kismaayo waxaa la socday tiro wariyaal ah kuwaasoo iyaguna loo diiday inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.
Wariyaashaan ayaa wali ku xayiran garoonka magaalada, mana jirto cid isku xil saartay sidoo dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka tageen.]
Maamulka magaalada Kismaayo heysta iyo Ciidamada Kenya wali waxaa jirta inay wax un saluugsanyihiin, inkastoo aan arrintaasi wali la cadeynin.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.