Faah faahin laga helayo dil ka dhacay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Faah faahin laga helayo dil ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaali - Labo nin oo bistoolado ku hubeysan ayaa maanta xaafad Sarfta Koofiga ee degmada Kaaraan ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa qaada canshuurta ee loo yaqaan minishiibiyada.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxana daqiiqado kadib halkaasi gaaray ciidamo boolis ah oo ka socday saldhiga degmada.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaas, waxase inta badan gudaha Soomaaliya weeraro noocan oo kala ah ka gaysta kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa in dhaweydba joojiyey ka hadlida falalka amni darro ee caasimadda ka jira, taasoo iminka u muuqata masuuliyad weyn oo la beylihiyey.

Falkan ayaa ah mid muujinaya in dowlada Soomaaliya ay ku guul dareysatay sugida amniga Muqdisho, oo maalmahan ay ka dhacayeen dilal bareer ah oo soo noq noqday, iyadoo dad badan ay is weydiinayaan sababta dowlada ay quwada ciidan ee ay heysato ugu bur burineyso degaanno nabdoon, halka uu qal qal weyni ka taagan yahay amnigii Caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.