KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sidaan Saakay soo Qornay, Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku waheliya Xunbno iskugu jira Golaha wasiirada , Xildhibaano iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya.
Wadfiga Madaxweynaha ayaa ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo, waxaana lageeyey Xarunta Taliska Milatariga ee Gobolka Baay.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu halkaa ku qaabilay Dhinacyada isku haya Magaalada Baydhabo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in Kulan kale, uu hada la leeyahay Odayaal iyo Siyaasiinta ka soo jeeda Baydhabo oo halkaa ku sugan.
Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha
Dhanka kale Magaalada ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.
Boqolaal Banaanbaxayaal ah oo isku diyaarinayey in ay la kulmaan Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu Wargaliyey in Madaxweynaha Soomaaliya uusan la kulmeyn oo uu Xarunta Taliska Milatariga ka kala Wareegayo.
Waxaana Banaanbaxayaasha Markaa ay bilaabeen Banaanbax iyo in ay Lugaha Baabuurta ay gubaan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.