Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Qarax Ka Dhacay Laascaanood

Laascaanood (KON)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax ay ku dhaawacmeen saraakiil Boolis oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobbolka Sool, ayadoo howlgallo ballaaran ay saaka ka socdaan magaalada.
Warar Keydmedia Online

Qaraxa oo ahaa Bambaano ayaa yimid kadib markii Ciidamada Booliska ay isku dayeen inay kala fur furaan halkaasna uu ku qarxay, waxaana halkaasi ka dhashay dhaawac soo gaaray ila sadex sargaal oo Maamulka ka tirsan.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa ka dhacay magaalada Laacaanood.

Maxamed Maxamuud Cali Geelle Gudooiyaha Maamulka gobbolka Sool ayaa qaraxaasi ku eedeeyay kooxda Shabaab.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.